Daariz Somali APKs

Barashada Af-Soomaaliga oo la fududeeyey!
Download APK
4.85/5 Votes: 1565
This app developed by
Sahamiye Foundation
Update Date
May 31, 2023
Installations
⇣ 4695
Package Name
com.daariz
Requirements
4.4
Get it on
com.daariz

Report this app

Description

Daariz waa barnaamij xiiso leh, bilaash ah oo si fudud kaaga caawinaya barashada akhriska iyo qoraalka Af-Soomaaliga goobkasta iyo goorkasta oo aad joogto.

Akhriska Af-Soomaaligu waxa uu lama-huraan u yahay waxbarashada, shaqada, xidhiidhka ehelka, adeegyada tignoolajiyadda cusub sida Zaad ama E-dahab iyo adeegsiga baraha bulshada oo ah waaga cusub ee wada-xidhiidhka iyo xog-helidda wakhtigan casriga ah.

Haddii aad tahay qof hadda bilaw ah iyo haddii aad aqoon kooban u leedahay afka Soomaaliga oo aad rabto in aad kordhisato, barnaamijka Daariz waa habka ugu habboon ee aad si dhakhso ah ugu baran karto Af-Soomaaliga.

Haddaba si aad u bilawdo geeddiga aad akhriska ku baranayso ama aad cid kale ku barayso, la soo deg barnaamijka Daariz. Waxa aad ka heli doontaa boqollaal cashar iyo laylisyo. Waxa intaa kuu dheer, sheekooyin kala geddisan oo aad dhammaantood heli karto adiga oo aan wax khad (Internet) ah u baahan. Taasi waxa ay kuu suuragelinaysaa in aad goob kasta iyo goorkasta wax ku baran karto.

Waxbarashadu waa in ay noqotaa mid uu ardaygu xiiseeyo. Sidaasi darteed, mar kasta oo aad cutub ama cashar dhammeyso, waxa aad ku guuleysan doontaa neefaf geel ah (oo daruuraha kuugu xareysan!). Waxa aad kula tartami kartaa saaxiibbadaa adiga oo tirsanaya inta halaad ee aad ku guuleystay muddadii aad Daariz wax ka baranaysay.

Waxa aannu Daariz kusoo kordhin doonnaa barnaamijyo qofka akhriska bartaa ka heli doono waxbarashada dugsiyada oo la soo koobay iyada oo loogu talogalay dadkii aan fursad u helin in ay dugsiyol galaan. Barnaamijyadan oo bilaash ahi waxa ay suuragelinayaan in qofkii dedaal la yimaaddaa uu imtixaan u fadhiisto oo qaato shahaadadaha waxbarashada.

Haddii aad ka heshay barnaamijkan, fadlan xiddigaha qiimaynta shan na sii!

WHAT'S NEW

Waxa aanu ku soo kordhinnay qayb saddexaad oo noqonaysa Maktabadda Daariz. Qaybtan waxa ku jira sheekooyin tiro ahaan 60 gaadhaya. Si joogto ah ayaanu ugu kordhin doonnaa buug iyo maqaallo ee fadlan la soco.

IMAGES

Recommended for you